Madaxweynaha Ruushka oo booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

0
49

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacada maanta ah gaaray Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii uu sheegay in labada dal ay doonayaan inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen cunaqabateynta uu labada dal saaray Mareykanka.

Putin ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Pyongyang kula kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, oo ay is qacan qaadeen isuna haayoodeen kadibna wada raceen gaariga Kim oo loogu galbiyay guriga martida ee Kumsusan ee Pyongyang sida ay sheegtay wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa kulankooda ku tilmaantay dhacdo taariikhi ah, oo muujinaysa sii waarida saaxiibtinimada iyo wadajirka labada waddan.

Madaxweyhe Putin ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Kuuriyada Waqooyi muddo 24 sano ka hor.