Madaxweynaha Rwanda oo shaqada ka eryay 200 oo askari oo ay ku jiraan saraakiil.

0
105

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa shaqada ka ceyriyay in ka badan 200 oo askari oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Difaaca Rwanda ee RDF.

Maj Gen Aloys Muganga oo ahaa taliyaha qeybta makaaniga ee ciidanka xoogga dalka oo soo noqday taliyaha ciidamada keydka 2018 ilaa 2019 iyo Sarreeye Guuto Francis Mutiganda oo madax ka ahaa amniga dibadda ee hay’adda sirdoonka qaranka, ayaa ka mid ah 14 sarkaal oo sarsare oo xilalka laga qaaday lana ceyriyay.

Mr Kagame waxa kale oo uu fasaxay in shaqada laga eryo 116 askari oo darajooyin kale ah waxana uu ogolaaday joojinta qandaraasyada adeegga ee 112 askari, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay RDF.

War saxaafadeedka ayaan lagu sheegin sababta shaqada looga ceyriyay 244-askari, oo lagu dhawaaqay saaka.

Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii Mr Kagame uu isku shaandheyn ku sameeyay saraakiisha ugu sareysa ciidamada, isagoo isku mar shaqada ka eryay wasiirkii gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada isagoo ku dhawaaqay badalkooda arrintan ayaa ah wax aan caadi ahayn oo ka dhaca Rwanda.