Madaxweynaha Somaliya oo soo gaba gabeeyay tartan qur’aanka kariimka oo lagu qabtay Muqdisho.

0
125

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa abaalmarin guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankii Qur’aan akhriska ahaa ee Ay Qabatay Wassaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta kaasi oo magaalada muqdisho lagu soo geba gebeeyay isla markaana u dhexeeyay maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Cabdi fitaax Axmad Maxamad oo ka socday Dowlad goboleedka KGS ayaa galay kaalinta 1 aad ee tartankan waxaana la gudoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan $20,000 iyadoo ardayda kaalmaha kuxiga galay ay qaataan abaalmarino kale oo u dhexeeyay 15 kun ilaa 5 kun oo doolarka mareykan ka ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.