Madaxweynaha Soomaaliya oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka loo sameynayo shacabka Turkiga iyo Suuriya.

0
81

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyay masajidka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa xukuumadda federaalka, ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ku booriyay inay kaalin ka qaatan sidii loogu gurman lahaa dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya 15 maalmood ka hor.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qof kasta looga baahan yahay in wixii uu awood uu bixiyo si uu kaalin uga qaato caawinta dadka walaalaha ee ku dhibaateysan Turkiga iyo Suuriya.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.