Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dhuusamareeb.

0
293

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  gaaray magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Dawlad goboleedka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Amniga XFS, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey madaxweyne Farmaajo oo uu safarka ku wehliyey madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu caawa soo xiro shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dawlad goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here