Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayo 26-ka juun oo lagu qabtay Muqdisho

0
347

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii xornimada ay qaateen gobollada waqooyi ee dalka  ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here