Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC, kaas oo ay dhowaan xubin ka noqotay Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo daa-furay kulanka, wasiirro, xildhibaanno, safiirada caalamka, madaxda jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.