Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in qorshaha deyn cafinta uu marayo heer gaba gabo ah.

0
73

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaas oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka,  iyo ku biirista dalkeenna  Dallada Bulshada Bariga Afrika

Furitaanka kalfadhiga baarlamanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare, wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ahmiyadd weyn uu dalkeenna u lee yahay dhameystirka dastuurka isagoo codsaday in meesha laga saaro wax kasta oo caqabad ku keeni kara dhameystirka dastuurka.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn u tahay ku biirista dallada bulshada bariga Afrika, waxana u sheegay in bisha December ee soo soocta la qaadi doono cunaqabteynta hubka iyo deyn cafinta.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filaya inay meel mariyaan hindise sharciyeedyo badan inta ay ku guda jiran kalfadhiga afraad ee maanta uu daah furay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.