Madaxweynaha Soomaaliya oo Tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan CXD

0
309

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here