Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray isbitaalka Hodan oo laga hirgiliyay magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goob joog ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,xildhibaanno,masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir,bahda cafimaadka magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa ino haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.
Audio Player