Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha maamulka Somaliland mudane Cabdiraxamaan maxamed Cabdulaahi ayaa Xariga ka jaray isbitaal casri ah iskamarkaana Laga hirgeliyey Magaalada Dacar budhuq ee maamulka Somaliland kaasi oo dhismahiis iska kaashadeen maamulka magaalada dacar budhuq iyo bulshada magaaladaasi.
Munaasabada xariga jarka waxaa ka qayb galay maamulka magaalada Dacar budhuq xubno kasocoday wasaaradda Caafimadka iyo qaybha kale duwan ee bulshada magaladaasi.
Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.
Audio Player