Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku tagay Sacuudiga.

0
57

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Turkiga ayaa booqasho ku tagay dalka Sucuudiga, wuxuu la la kulmay dhalxal sugaha Sucuudiga Muxammed bin Salmaan.

Erdogan ayaa dhaxal suagaha sucuudiga u hadiyadeeyay baabuurka uu dhawaan dalkiisa soo saaray ee TOGG.

Labada dal ayaa kala saxiixday heshiisyo u badan maal gelin dhanka difaaca ah.

Sucuudiga ayaa maal gelin doona xarun cusub oo ay Warshadda Difaaca Baykar ka furan doonta gudaha Sucuudiga, warshadda ayaa soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Bayraktar.

Erdogan ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo  dalalka Qadar iyo Imaaraadka Carabta halkaasoo uu kula kulmi doono madaxda dalalkaasi.