Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharca, ayaa magaalada Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka dhinaca amaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa dagaalyahannada Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyi bari Suuriya.
Axmed Al Sharcaa ayaa ka soo duulay Sacuudi Carabiya halkaas oo uu ka raadsaday maalgalin u ka rabo xukuumadda Riyadh, si uu dib ugu dhiso Suuriya kadib dagaalka sokeeye ee soo billowday muddo hadda laga joogo 13 sano, kuna soo dhamaaday eryiddii Al Asad iyo dowladdiisii dhammaadka sannadki hore.
Turkigu waxa uu xulafo adag la ahaa xoogaga doonayay inay xukunka ka tuuraan Asad, sida Sharcaa iyo Xayat -Tahrir al-Sham.


