Madaxweynaha Waddanka Faransiiska oo ah shaqsigii ka dambeeyey in Kylian Mbappe uu iska diido Real Madrid

0
167
French President Emmanuel Macron (R) gestures as he speaks with Paris Saint-Germain's French forward Kylian Mbappe (L) ahead of the French Cup final football match between Paris Saint-Germain (PSG) and Saint-Etienne (ASSE) at the Stade de France in Saint-Denis, outside Paris on July 24, 2020, (Photo by FRANCK FIFE / AFP) (Photo by FRANCK FIFE/AFP via Getty Images)

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Waddanka Faransiiska ayaa la soo warinayaa inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyey oo gadaal ka riixayey heshiiskiisii uu Kylian Mbappe ku sii joogay PSG, isla markaana isaga diiday Real Madrid.

Madaxweynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday faah-faahin ku aaddan wada sheekeysi gaar ah oo uu la yeeshay Kylian Mbappe ka hor inta uusan xiddiga Paris Saint-Germain iska diidin u wareegidda Kooxda Real Madrid.

Mbappe ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono Madrid sanado badan ka hor inta aysan PSG ka nixin oo aysan ku dhawaaqin inuu qandaraas cusub oo seddex sano ah u saxiixay 23 jirkaan 21-ka bishii May.

Shabakadda ciyaaryaha ee Goal ayaa warinaya in Macron uu kaalin mug leh ka qaatay sidii Kylian Mbappe loogu qancin lahaa inuu sii joogo dalkiisa hooyo, waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu haatan xaqiijiyay inuu la xiriiray xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo isku dayaya inuu difaacdo dalkiisa.