Madaxweyne cusub oo loo doortay dalka Brazil

0
184

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Brazil, isaga oo ka adkaaday madaxweynaha haatan muddo xileedkiisu dhamaaday ee Jair Bolsonaro.

Luiz Lula da Silva oo u janjeedha siyaasadaha dhinaca bidixda, ayaa helay 50.9% codadka la tiriyey oo gaadhaya 99%, halka madaxweyne Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa isaguna helay 49.1% codadka la dhiibtay.

Madaxweynaha haatan xilka haya ee la sheegay in doorashada lagaga adkaaday, ayaa intii uu sharaxnaa, wuxuu wacad ku maray inuu dalka Brazil ka hirgelinayo siyaasado ad-adag, gaar ahaan, habka loola tacaalayo loogana soo kabanayo xanuunka COVID19 ee dhimashada badan keenay iyo weliba xaalufka baahsan ee ka jira kaymaha Amazon.

Lula da Silva ayaa isagu wuxuu ballanqaaday inuu xoogga saari doono dhinaca arrimaha bulshada iyo deegaanka, isagoo codeeyayaasha xasuusiyey ladnaantii dalka ka jirtay xilligii uu xukunka hayay ee sannadkii 2003, ka hor intii aanay soo shaac bixin fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq oo ka dhan ahaa xisbigiisa.
Madaxweynaha haatan xilka haya Bolsonaro, ayaa isaga oo aan soo bandhigin wax caddayn ah wuxuu sheegay in nidaamka codbixintu uu u nugul yahay wax is daba marin, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo inaanu aqbalin guuldarada.