Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran ugu dhufantay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda.
Erdogan, oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sano uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari.
Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas.
“Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aan rabnay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.
Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria.