Madaxweyne hore oo lagu eedeeyay in uu xaaskiisa dili jiray oo dacwad lagu soo oogayo

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dacwad oogayaasha dalka Argentina ayaa baaritaan ku bilaabay madaxweynihii hore ee dalkaasi Alberto Fernández, kaasoo lagu eedeeyay inuu dhaawac halis ah u geystay xaaskiisii hore.

Toddobaadkii hore, ayaa marwadii hore ee madaxweynaha Fabiola Yáñez, oo 43 jir ah, waxay maxkamad u gudbisay dacwo ninkedii hore oo horay u soo maamulay dalka, da’diisuna haatan tahay 65-sano, iyada oo ku eedeysay inuu garaacay intii uu socday xiriirkoodii hore, iyaga oo wada joogay ilaa iyo intii uu ka tagayay shaqada xafiiska ugu sarreeya dalkaas sanadkii 2023 kii.

Marqaati ka timid Spain, ayay ku sheegtay sida lagu eedeeyay in ay la kulantay hanjabaado nafsi ah iyo xadgudub jireed.

Baaritaanka ayaa yimid ka dib markii sawiro u muuqday kuwa muujinaya haaro iyo nabaro wajiga iyo indhaha ug ayaalla haweeneyda lagu magacaabo Yáñez ay faafiyeen oo ay daabaceen warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas, taas oo caro ka dhalisay gudaha Argentina.