Madaxweyne is casishay iyadoo live uga jirta TV-ga

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha wadanka Hungary Katalin Novak ayaa is casishay iyadoo live uga jirta TV-ga sababbo la xiriirra cafinta la cafiyay nin lagu xukumay in uu qariyay kiiska ilmo yar oo xadgudub galmo lagula kacay.

Arintan ayaa daaha laga rogay todobaad kii la soo dhaafay kaddib markii Madaxweyne Novak ay soo saartay amar lagu cafinayo nin lagu helay in uu caruurta ku qasbi jiray in ay dib uga laabtaan dacwad la xiriirta xadgudub galmo oo uu kula kacay maamulaha xarun caruurta lagu hayo oo ay maamusho dawladdu.

Dibad baxyo lagu dalbanayay in ay is casisho Katalin Novak ayaa isa soo tarayay dalka Hungry.

Novak ayaa raali galin bixisay, waxayna sheegtay in ay qalad ahayd cafinta.