Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madadweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudne Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay shir looga hadlayo saameynta isbadelka cimilada ay ku leedahay nabadda, Amniga iyo cadaaladda.
Shirka ayaa waxaa si qoto dheer loogu falanqeenayaa dhibaatada Isbedelka cimiladu ku leedahay habsami u socodka hawlaha amniga , cadaalada iyo guud ahaan adeegyada dadweynaha iyo sidii looga hortagi lahaa iyada oo kor loo qaadayo wacyiga bulshada, waxana shirkan ka qeyb galay xubno ka socda wasaaraddaha cadaaladda, deegaanka, amniga, xafiiska amniga qaranka Galmudug iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Warkan waxaa ino haya Maxamed Cabdi Saneey
Audio Player