Madaxweyne ku xigeenka Malawi iyo sagaal ruux oo kale oo la laa yahay.

0
72

Baladweyne (Radio Beerlula)-Diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la la’yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Diyaaradda Ciidanka Difaaca Malawi ayaa “kabaxday raadaarka” ka dib markii ay ka tagtay caasimadda Lilongwe, subaxnimadii saaka oo Isniin ahayd.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in baaritaan iyo samatabbixin la sameeyo kadib markii saraakiisha duulista ay xiriir la sameyn waayeen diyaaradaasi.

Waxay ahayd inay ku degto madaarka caalamiga ah ee Mzuzu, ee waqooyiga dalkaasi.

Dadweynaha dalka Malawi ayaa aad ugu dhag taagaya wararka ku saabsan diyaaradda madaxweyne ku xigeenka oo baadigoobkeedu uu socdo.