Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe ka furay shirkad ka shaqeysta cilad bixinta gaadiidka.

0
86

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa xarigga ka jaray shirkadda Garda World qaybteeda hagaajinta iyo dayactirka casriga ah ee noocyada Kala duwan ee gawaarida ee magaalada Garoowe.

Munaasabada xarig jarka oo ka dhacday xarunta shirkadda ee Garoowe waxaa ka qayb galay Wasiiro, maamulka shirkadda oo Soomaali iyo Ajnabiba isugu jira iyo masuuliyiin kale.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.