Madaxweyne Trump oo Shaaciyay sida lagu xalin karo Arrinta Iiraan

0
289

Baladweyne(Radio Beerlula)- Istaraatijiyadda Mareykanka ee ku wajahan Iran ayaa u muuqata mid jahwareersan, iyadoo ay u muuqato in Washington ay ka sii yaraanayaan doorashooyinkeeda ku aaddan inay ka fogaaato isku dhacyo.

Madaxweyne Trump ayaa sheegey in labada doorasho ee kala ah dagaal ama wada-hadal, ay suuragal tahay in mid kaste uu dhici karo.

Mar la weydiiyay Isniintii meesha uu Mareykanka u jiheysanaayo, wada hadal ama dagaal, ayuu Trump ku jawaabay, in ay caadi la tahay haddii mid ka mid ah uu dhaco.

Trump ayaa cuna qabateyn saaray dalka Iran, isagoo dhowr jeerna ugu baaqay inay miiska wada hadalka soo fariistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here