Madaxweyne Waare oo magacaabay guddiga gurmada fatahaadaha

0
322

Baladweyne(Radio Beerlula) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha webiga shabeelle.

Guddigan ayaa ka kooban 14 xubnood waxana ay iskugu jira wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo shabeelle dhexe.

Xubnaha guddiga gurmadka fatahaadaha uu magacaabay madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la shaqeyn doona guddigii maanta uu magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here