Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynihii hore ee xilka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa xabsiga laga sii daayay, maalin ka dib markii ay maxkamad ku taal Seoul baab’isay xarigiisa isla markaana ogolaatay in maxkamad la soo taago isaga oo aanan xirneyn.
Ka dib markii uu ka soo baxay saldhig lagu hayay oo u dhaw Seoul, ayuu Yoon u gacan haadiyay taageerayaashiisa oo ku qaylinayay magaciisa isla markaana lulayay calanka Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.
Dacwad-oogayaasha ayaa dacwad ku soo oogay kaddibna xiray bishii January, ka gadaal markii ay ku eedeeyeen danbiyo ay ka mid ahaayeen amarkii deg degga ahaa ee uu geliyay Kuuriya Koofureed saddexdii bishii December ee sannadki hore, tallaabadaas oo waddanka geliyay qalalaaso siyaasadeed oo mug weyn.


