Madaxweynihii hore ee Algeria oo walaalkiis xukun xabsi ah lagu riday

0
256

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maxkamad militari oo ku taal dalka Algeria ayaa xukun ku ridday Said Bouteflika oo ah nin la dhashay madaxweynihii hore ee dalkaas ee xukunka lagu tuuray kaddib labo maalmood oo ay maxkamaddu dacwaddiisa dhageysaneysay, sida uu ku warrantay warbaahinta Ennahar.

Said Bouteflika, waxaa lagu xukumay 15 sanno oo xabsi ah isaga iyo labo sarkaal oo madax u ahaan jiray laanta sirddoonka dalkaas iyo madaxii xisbiga shaqaalaha.

Waxaa saraakiishan la xiray bishii May kaddib toddobaadyo uun markii dad dibadbaxyo dhigayay ay ku qasbeen madaxweynihii dalkaas Cabdulcaziiz Bouteflika inuu xilka iska casilo.

Waxaana lagu eedeeyay inay maleegayeen shirqool ka dhan militariga Algeria.

Wararla waxay sidoo kale sheegayaan in wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Khaalid Nizar lagu xukumay 20 sanno oo xarig ah xilli uu dalka ka maqan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here