Madaxweynihii hore ee dalka Bolofiya oo isbitaal la dhigay.

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynihii hore ee dalka Bolifiya/Bolivia haweeneyda la yiraahdo Jeenin Aanis ayaa loola cararay isbitaal gaar ah kadib markii ay isku dayday inay isku dhex disho xabsi ay ku xiran tahay.

Wararku waxay sheegayaan in Jeenin Aanis ay hadda soo hagaagayso xaaladeeda waxaana dhaqaatiirtu sheegeen inay ka baxday xaalad miir beel ah oo ay gashay.

Taliyaha xabsiga ay haweeneydaan ku xirantahay ayaa sheegay inay isku dayday inay is disho mase sheegeen waxay isticmaashay.

Xubno qoyskeeda ka mid ah ayaa sheegay in Jeenin ay isku buuqday sidaas darteedna ay go,aansatay inay is disho.

Haweeneydaan oo waqti yar madaxweyne ka aheyd dalka Bolifiya ayaa la xiray horaantii sanadkaan, waxaana ay ku eedeysan tahay dad badan oo la laayay intii uu socday kacdoonkii xukunka looga tuueay m/weynihii hore ee Bolofiya/Bolivia Efa Moraalis sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here