Madaxweynihii hore ee dalka Kenya oo beertiisa la weeraray

0
166

Boqolaal qof ayaa xoog ku galay beerta madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo ku taalla duleedka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Warrarka ayaa sheegaya inay dadkaasi jareen geedihii ku yaallay beerta iyaga oo adeegsanayay miinshaar waxayna sidoo kale dhaceen xoolihii daaqayay beerta, ugu damayntiina waxay dab qabadsiiyeen beertii.

Ilaa hadda lama oga sababta ka damabysa dhacdadaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dalka Kenya ay ka socdaan dibadbaxyo ay dhigayaan mucaaradka dalkaas oo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne William Ruto.