Madaxweynihii hore ee Kongo oo u geeriyooday Feyraska Korona

0
304

Baladweyne(Radio Beerlula)- Warbaahinta maxalliga dalka Kongo ayaa sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Jacques Joachim Yhombi Opango uu dalka Faransiiska ugu geeriyooday feyraska Korona.

Opango ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa ka hor inta uusan kamid noqonin 37,000 ee qof ee u geeriyootay feyraska Korona.

Hoggaamiyahan ayaa dalka Kongo xukumayay intii u dhexeysay sanadihii 1977-1979-kii.

Opango ayaa sidoo kale soo noqday ra’iisul wasaaraha dalkaas muddadii u dhexeysay 1997-2007 isagoo intaa wixii ka dambeeyayna masaafuris ku joogay dalka dibaddiisa.

Tan iyo Diseembartii hore feyraska Korona ayaa ku fiday ilaa 178 dal sida laga soo xigtay warbixin ay diyaarisay jaamacadda Johns Hopkins oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.

Ilaa 786,000 xaaladood oo feyraska Korona ah ayaa dunida laga diiwaan geliyay iyada oo ay ka bogsadeen in ka badan 166,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here