Madaxweynihii hore ee ururka caalamiga ah ee culimada Islaamka oo masar ku geeriyooday

0
139

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa geeriyooday Sheekhii caanka ahaa ee u dhashay dalka Masar Sheekh Yuusuf Al- Qaradaawi sida lagu baahiyay qoraal lasoo dhigay Twitter-ka Sheekha.

Wuxuu mar soo noqday madaxweynaha ururka caalamiga ah ee culimada Islaamka.

Al-Qaradaawi waxay da’diisa aheyd 96, Sheekh Yuusuf oo fadhigiisu ahaa Qatar ayaa heystay dhalashada dalkaas.

Wuxuu jagooyin sar sare oo dhanka diinta ah kasoo qabtay Masar, Sheekh Qardaawi wuxuu wax badan ka qoray shareecada Islaamka.