Madaxweynihii Madagascar oo dalka isaga cararay ka dib kacdoon xooggan oo lagala hor yimid

0
110
TOPSHOT - Protesters celebrate on top of a vandalised Gendarmerie armoured vehicle as members of a section of the Malagasy army arrive to take control of the area around Lake Anosy following clashes between demonstrators and security forces during protests calling for the resignation of President Andry Rajoelina in Antananarivo, on October 11, 2025. Groups of Madagascar soldiers joined thousands of protestors in the capital on October 11, 2025, after announcing they would refuse any orders to shoot demonstr

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa lagu soo waramayaa in uu dalka isaga tagay ka dib markii uu sii kordhay cadaadiska lagu saarayo in uu xilka ka dago ayadoo ay sii kordheen mudaaharaadyadii ay dhallinyaradu wadeen dabayaaqadii todobaadkii hore.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warameysa in hogaamiyahaasi Axadii shalay ahayd laga dhoofiyay dalka Madagaskar isagoo sii raacay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Faransiiska.

In kasta oo ay sheegeen in kaxayntiisa uu ogolaaday madaxweyne Emmanuel Macron, misna mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in aysan faragelinin dhibaatada gudaha ee Madagascar.

Xubnaha mucaaradka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay billaabi doonaan dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Mr Rajoelina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here