Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta si weyn looga dabal degay maalinta koowaad ee munaasabadda ciidul fidriga kadib markii boqolaal ruux ay salaada ciida ku tukadeen barxada iskuulka Xaawo Taako.
Boqolaal ruux oo iskugu jira dhalinyaro, haween iyo caruur ayaa buux dhaafiyay goobaha dalxiiska Magaalada Baladweyne si ay ugu dabal degan maalinta koowaad ee ciidul fidriga.
Warkan Waxaa Inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.