Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waxaa xayiraaddii saarnayd muddo toddobaad ah, laga qaaday magaalada Fort McMurray oo ku taalla gobolka Alberta ee dalka Canada, ka dib markii cimiladu aad u kululaatay isla markaana ay sababtay inuu dab ka kaco.
In kabadan 6,600 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan magaaladaas.
Roobab ka da’ay magaalada Fort McMurray iyo deegannada hoos taga ayaa horseeday in uu dank dabkan kadib markii muddo saddex maalmood ah ay la daala dhacayeen kooxaha dabdamiska.
Dadkii horey uga barakacay magaalada Fort McMurray ayaa hadda bilaabay inay dib ugu soo laabtan guryahooda.