Magacaabista garsoorka gobolka Hiiraan oo laga soo dhaweeyay Baladweyne.

0
302
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay garsoorka gobolka Hiiraan kadib markii dhawaan uu madaxweynaha uu kala diray garsoorkii hore.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabdiraxiin Muxumed Taakoy.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cismaan Axmed Maxamed.

Garsoorkan ayaa ka kooban 33 xubnood oo loo kala magacaabay degmooyinka Baladweyne, Matabaan, Buula burde, jalalaqs, iyo Maxaas, waxana sidoo kale garsoor loo magacaabay degmooyinkii uu magacaabay madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Ceel Cali, Far-libaax, Halgan,  Moqokori iyo Buq-aqable.

Magacaabistan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah shacabka magaalada Baladweyne oo la hadlay radio Beerlula.

Warbixinta  waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here