Mahrez oo si cad u sheegay kooxda uu doonayo inuu kaga fariisto ciyaarista kubadda cagta

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaaryahanka reer Algeria iyo kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez, ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu doonayo inuu isaga fariisto ciyaarista kubadda cagta sanadaha soo socda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Algeria ayaa qandaraas kula jira kooxda heysata horyaalka Premier League ee England ilaa 2025, kaddib markii uu u kordhiyay bishii July. ee la soo dhaafay.

Inkastoo uusan si joogta ah uga qeyb qaadan kulammada kooxda Man City, haddana Mahrez ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu kubadda cagta kaga fariisto naadigiisa haatan ee Sky Blues.

Wareysi uu Riyad Mahrez ku bixiyay website-ka kooxdiisa ayaa wuxuu ku sheegay: “Dabcan, waxaan doonayaa in aan xirfadeyda ku soo gaba gabeeyo Man City, oo aan ciyaaro ilaa inta ugu macquulsan, taas oo aan aaminsanahay in aan awood u leeyahay in aan sameeyo.”

“Laakiin aan aragno waxa mustaqbalka dhici doono kaddib markii aan kabaha laadlaadsan doono.”

Riyad Mahrez ayaa u ciyaarayay Manchester City tan iyo 2018, markaasoo uu kaga soo biiray Leicester City kaddib 4 sano oo uu la joogay Foxes.