Makarafoon ay tuurtay fanaanada Cardy B oo lagu iibsaday boqol kun oo doolar.

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)- Laba todobaad ayaa ka soo wareegtay markii fannaanada Cardi B ay qabsatay baraha bulshada, kaddib markii makarafoon ay ku dhex tuurtay dadweyne ka soo qeyb galay goob ay ka heeseysay.

Makrafoonkaas ayaa lagu iibiyay lacag gaareysa ku dhowaad 100,000 oo doolar.

Mulkiilaha shirkadda lahayd qalabkaas ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyay makrafoonkaas sadaqa lagu bixin doono.

Muuqaal lagu baahiyay kuna faafay baraha bulshada ayaa muujinayay Cardi B oo tuuraysa makrafoon ay siday kaddib markii mid kamid ah taageerayaasheeda uu ku shubay biyo xili ay socotay xaflad ka dhacaysay magaalada Las Vegas ee waddanka Mareykanka.