Baledweyne ( Radio Beerlula )-Hay’addaha caalamiga ayaa ka digaya in ilaa laba million oo caruur ah oo ku sugan Koonfurta Sudan ay waajahayaan xaalado bani’aadannimo oo halis ah.
Hay’addaha samafalka ayaa sheegay in sidoo kale hal million ah haween uur leh, ama hooyooyin naaska nuujinaya ay wajahayaan xaalado bani’aadannimo oo halis ah.
Xaaladahaasi ayaa ka mid ah nafaqado darro, helitaanka biyaha nadiita ah oo kooban, fayodhawrka oo hooseeya iyo faafintaanka cudurada oo sii socda.
Sidoo kale arintan ayaa waxaa uga sii daray khilaafka ka dhax jira hogaanka sare ee koonfurta Suudaan.