Baladweyne(Radio Beerlula)-Dowladda Malawi ayaa dalkeeda uga dhawaaqday xaalad masiibo ah oo ka dhalatay abaar daran oo saameysay inta badan dalkaasi.
Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar hal bil ka dib markii dalka ay jaarka yihiin ee Zambia ay ku dhaqaaqday mid la mid ah.
Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa codsaday in ka badan laba boqol oo milyan oo dollar oo gargaar bini’aadantinimo ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in dhowr waddan oo ku yaalla koonfurta Afrika ay qarka u saaran yihiin masiibo gaajo ah.