Malawi oo dugsiyadii xidhay, ka dib duufaan dalkaas ku dishay 40 qof

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalka Malawi waxaa ku dhufatay duufaan xooggan, taas oo dishay illaa 40 qof, halka la hakiyey duulimaadyadii dalkaas tegayey, kuwaas oo loo weeciyey dalalka deriska ah, sidoo kalena waxaa la xidhay dugsiyadii waxbarashada.

Duufaantan ayaa khasaare ba’an gaadhsiisay ugu yaraan 10 degmo oo dalkaas ka mida oo ku yaalla dhinaca koonfureed, sida laga soo xigtay hay’adda masiibooyinka dabiiciga ah ee dalkaas.

Dawladda ayaa hakisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee iman jiray dalkaasi.
Sarkaal u hadlay, hay’adda saadaasha hawada ee dalkaas ayaa sheegay inay filayaan in duufaantu ay dhakhso u dhaafto dalka Malawi.

Duufaanta Freddy ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalkaas muddo ka yar bil, waxaana la rumeysan yahay inay tahay duufaantii ugu da’da dheerayd ee gobolkaas ku dhufata labaatankii sano ee lasoo dhaafay.