Mallorca Vs Real Madrid

0
158

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real waxa ay kukankaan galayaan iyaga oo niyadda ku haya in ay gacan sareeyeen kulamadii ugu dambeeyay.

Xogta Kulanka

Mallorca ayaa laga badiyay sagaal ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka LaLiga (hal kulan ayay badiyeen),

Real Madrid ayaa heshay dhibco siddeed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti u ahaayeen Mallorca iyadoo horyaalka LaLiga  la joogo (6 badis laba bar bar dhac, marka laga reebo guuldaradii 1-0 ee October 2019 oo uu maamulayay Zinedine Zidane

Mallorca ayaa badisay afar ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee LaLiga waxa ay guul dareysteen sedex jeer

Real Madrid ayaa leh 45 dhibcood ka dib 19 kulan oo ay La Liga ku ciyaartay xilli ciyaareedkan (14 guul iyo 3 bar-baro) , dhibcaha ugu badan ee heerkan tartanka tan iyo xilli ciyaareedkii 2016/17

Real Madrid ayaa shabaqeeda ilaashatay afar kamid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay La Liga.