“Man City Ma Garaaci Doonto Real Madrid Ee Way BURBURIN Doontaa!!”

0
231

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeeyga kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa saadaalin weyn ku sameeyay kulamada wareega afar dhammaadka Champions League ee ay Manchester City iyo Real Madrid ballansan yihiin.

Man City ayaa toddobaadyada ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka haysa wadadii ay ku barbarayn lahayn rekoodhkii ku guuleysiga saddexda Koob ee Man United samaysay 1999.

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu iska reebo ceebta ah inuusan Champions League ku guuleysan la’aanta Barcelona halka City doonayso inay markeedii ugu horreysay abid hanato tartankaas.

Wayne Rooney ayaa aragtidiisa isku aadka Real Madrid iyo Man City la weydiiyay, gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Red Devils ayaa qaba aragti cad.

Rooney ayaa si aan gabasho lahayn inay soo baxdo waliba awood kusoo baxdo u saadaaliyay Man City oo uu sheegay inaysan kaliya guuleysan doonin balse burburin doonto kooxda ree Spain.

“Manchester City ma garaaci doonto Real Madrid ee way burburin doontaa. Marnaba meesha kama saari kartid wadajirka iyo khibrada Madrid balse lacagtayda kumaan dhigteen iyaga, waxaan aaminsanahay inuu yahay sanadkii City” ayuu Rooney u sheegay wargeyska The Times.

Rooney ayaa sidoo kale sheegay kulanka uu muhiim u noqon doono dagaalka dhex maraya mishiinka goolasha Man City ee Erling Haaland iyo daafaca Real Madrid ee Antonio Rudiger.

“Sidee ayay Real Madrid ku joojin kartaa Haaland? Rudiger waa tartame weyn oo daafac ahaan jecel dagaalada hal-ka-halka ah balse uma malaynayo inuu la tacaali karo Haaland”.