Man City oo barbaro ka qalqaalsatay Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St. James’ Park

0
183

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester City ayaa barbaro ka qalqaalsatay kooxda Newcastle United oo ay ku booqatay garoonka St. James’ Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 3-3, ciyaar qeyb ka ahayn kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Newcastle United.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Gundogan, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis B. Silva.

Laakiin 28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Newcastle United ayaa dhalisay goolka barbardhaca iyadoo uu 1-1 ka dhigay M. Almiron kaddib caawin kaga timid A. Saint-Maximin.

Daqiiqadii 39-aad Newcastle United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay ciyaarta C. Wilson oo caawin ka helay saaxiibkiis A. Saint-Maximin.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo K. Trippier ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Newcastle United.

Laakiin daqiiqadii 61-aad Manchester City ayaa soo celisay gool iyadoo uu ciyaarta ka dhigay 3-2 weerarahankooda cusub ee E. Haaland iyadoo caawinta goolkan loo qoray Rodri.

64 daqiiqo B. Silva oo ay caawin kaga timid De Bruyne ayaa ciyaarta ka dhigay garbo siman 3-3 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Newcastle United iyo Manchester City, kaddib aad u xiiso badan ee ka dhacday garoonka St. James’ Park.