Man City Oo Ciyaaryahan Aan Hal Kulan U Ciyaarin 20 Milyan Ku Iibinaysa & Kooxda Ka Bixinaysa Lacagtaas

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester City ayaa ah mid kamida kooxaha ugu jeebka weyn suuqa xagaaga balse sidoo kale sanadihii ugu dambeeyay ayay ku darsatay inay kamid noqoto kooxaha sida ugu fiican wax u iibiya.

Kuliyada da’yarta Cityzens ayaa noqotay mid kamida kuwa ugu awooda badan Yurub, da’yarkii ugu dambeeyay ee halkaas kasoo baxay lacag badana usoo xaraynaya City ayaa ah goolhaye James Trafford.

James Trafford ayaa wacdarro ka dhigaya tartanka xiddigaha 21 sano jirka ka yar ee Euro oo xalay xulka England Finalkiisa gaadhay.

Trafford ayaa shan kulan oo uu ka ciyaaray Euros U21 dhammaantood shabaqiisa oo nadiif ah la baxay taas oo muujinaysa awoodiisa ciyaareed.

Kooxda xiisaha badan u muujisay ayaa ah Burnley oo xilli ciyaareedkan Premier League kusoo laabanaysa, kooxda macalin Vincent Kompany ayaa ka bixinaysa 22 Milyan oo euro lacag noqonaysa marka gunnooyinka lagu daro sida uu sheegayo saxafi Fabrizio Romano.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in James uusan wali hal kulan metelin Man City haddana kooxdaasi ay awooday inay lacagta intaas leeg ka samayso taas oo muujinaysa sida shaqsiyaadka ugu shaqada lehi ugu fiican yihiin iibka.

City ayaan halkaas kaga hadhayn da’yarkan balse heshiiska ay ku iibisay ku dartay qoddob dhigaya inay mustaqbalka dib usoo iibsan karto isla markaana 20% ku yeelanayso lacagta koox kale lagaga iibiyo mustaqbalka.