Man City oo dejisay qiimaha ay ku iibineyso Bernardo Silva

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maanta oo isniin ah warbixin ay soo saartay saxaafada Ingariiska ayaa daaha ka qaaday qiimaha ay Manchester City ku iibineyso xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva kaas oo ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo Barcelona suuqa xagaagan.

Barcelona ayaa bar-tilmaameedsanaysa dhamaadka suuqa xagaagan inay ku soo xirato heshiis weyn, iyada oo qorsheneysa saxiixa Silva, kaddib codsi ka yimid tababare Xavi Hernandez.

Sida laga soo xigtay wargeyska Ingiriiska, “Athletic”, Manchester City ma aysan xirin albaabka Silva ee xagaagan, laakiin waxay dejisay hal shardi oo ay ku iibineyso.

Wararka ayaa waxay tilmaameen in Man City ay codsatay 100 million euros, si ay Bernardo Silva ugu ogolaato inuu baxo xagaagan.

Ciyaaryahanka ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona, taasoo ku qasbeysa Man City inay ogolaato bixitaankiisa, laakiin sida ku cad baahida dhaqaale ee kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, way ku adkaan doontaa Barcelona inay dalab ka gudbiso Silva, marka laga reebo kiiska iibka Frenkie de Jong oo reer Holland ah, kaasoo ay ku xireen inay ka helaan qiimo dhan 80 million euro.