Man City oo dejisay qiimaha ay ku iibineyso Gabriel Jesus

0
135

Baladweyne (Radio Beerlula)- Manchester City ayaa go’aamisay qiimaha weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus kaas oo la filayo inuu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxo badan oo qaarada Yurub ayaa xiisenaya adeega weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus, gaar ahaan naadiga reer London ee Arsenal.

Manchester City ayaa albaabka u furtay in Gabriel Jesus uu ka tago xagaagan kaddib markii ay la soo wareegtay weerar yahanka reer Norway ee Erling Haaland.

Arsenal ayaa hoggaaminaysay tartanka maalmahii lasoo dhaafay, waxayna soo bandhigtay dalabkeedii ugu horeeyay oo ay ku qancinayso Manchester City inay iska iibiso ciyaaryahanka, taasoo dhan 40 million euros, balse Citizens ayaa diiday dalabkaas.

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Daily Mail ayaa xaqiijiyay in Manchester City ay diiday inay Gabriel Jesus ku bixiso wax ka yar 60 million euros, waxayna tani soo dedejin doontaa in Arsenal ay dalab cusub ka gudbiso maalmaha soo socda.

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in wakiilka Gabriel Jesus uu u safray caasimadda London, si uu isugu dayo inuu soo dhammeeyo heshiiska uu ugu biirayo Arsenal, isla markaana uu hoggaamiyo wada xaajoodka labada kooxood.