Man City oo guul soo laabasho ah kaga gaartay Crystal Palace

0
149

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man City ayaa garoonkeeda Etihad guul soo laabasho ah kaga gaartay Crystal Palace, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay Crystal Palace.

Daqiiqadii 4-aad kooxda martida ahayd ee Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca reer England ee John Stones.

21 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Joachim Andersen oo caawin ka helay saaxiibkiis Eberechi Eze ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay naadiga Crystal Palace.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin daqiiqadii 53-aad Manchester City ayaa dhalisay gool, waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta laacibkooda khadka dhexe Bernardo Silva, waxaana caawinta goolkan lahaa Rodri.

62 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 2-2 ka dhigay Haaland kaddib markii ay caawin kaga timid Phil Foden.

Haaland oo ay caawin kaga timid John Stones ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay Manchester City, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-2 ay City ku hoggaamineysay.

Manchester City ayaa daqiiqadii 81-aad sii dheereysatay hoggaanka waxaana 4-2 ka dhigay Haaland oo ay markan caawin kaga timid Gundogan.