Man City oo ka soo heshay saddexda dhibcood kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road

0
194

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Manchester City ayaa ka soo heshay saddexda dhibcood kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 45 + 1-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Rodri.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

51 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Haaland oo caawin ka helay saaxiibkiis Grealish, ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 64-aad Manchester City ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu 0-3 ka dhigay Haaland oo markale caawin ka helay saaxiibkiis Grealish.

Laakiin daqiiqadii 73-aad kooxda Leeds United ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 1-3 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Pascal Struijk, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Sam Greenwood.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Manchester City, kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, waxaana City kaddib guushaan ay gaartay kaga jirtaa miiska kala sarreynta horyaalka booska labaad waxayna leedahay 35 dhibcood.