Man City oo si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Wolves oo ay booqatay

0
12

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man City ayaa si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Wolves, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobaadkan ee horyalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 1-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay laacibkooda Grealish, waxaana ka caawiyay De Bruyne.

16 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Haaland oo caawin ka helay Bernardo Silva ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad Phil Foden oo ay caawin kaga timid De Bruyne ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Wolverhampton Wanderers oo ku sugneyd Molineux Stadium, City ayaa hadda kala sarreynta horyaalka ku hoggaamineysa 17 dhibcood waxayna 2 dhibcood ka sarreysaa Arsenal.