Man United Oo 143 milyan Ku Dalbnaysa Laba Xiddig Oo U Ciyaara Napoli.

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay 143 milyan oo euro ku dalbato xiddigaha kooxda Napoli ee Victor Osimhen iyo Kim Min-jae.

Napoli ayaa hadda ku raaxaysanaysa xilli ciyaareed xusuus leh, iyadoo kooxda Luciano Spalletti ay qarka u saaran tahay inay soo afjarto 33-sano oo ay kooxdu sugaysay horyaalka Serie A.

Napoli oo badisay 22 ka mid ah 26 kulan oo ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan ayaa haatan 18 dhibcood ka sareysa Inter Milan oo ku jirta kaalinta labaad.

Waxa ay sidoo kale gaadhay wareega 8 dhamaadka champions League iyada oo ku aaday kooxda ay isku dalka yihiin ee Ac Milan.

Xiddigaha Victor Osimhen iyo Kim Min-jae ayaa laf dhabar u ah xilli ciyaareeda Napoli iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa qorsheynaysa weerar 143 milyan euro ku dalbato labada xiddig ee Osimhen iyo Kim suuqa xagaaga.