Man United Oo Baanka U Jabinaysa Harry Kane

0
137

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ka dhigto ciyaaryahanka ugu qaalisan ebid taariikhda suuqa.

Red Devils ayaa xoojisay weerarkeeda bishii January iyaga oo la soo saxiixday xiddiga Wout Weghorst kaas oo ay kula soo wareegtay kooxda qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Weghorst ayaa loo arkaa xalka dhaw ee ay Man United doonayso in ay ku xaliso weerarka waxana la filayaa in ay suuqa xagaaga weeraryahan cusub la soo saxiixati.

Jack Grealish ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda reer England markii uu ku biiray kooxda Man City sanadkii 2021.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror, Man United ayaa diyaar u ah inay jabiso rikoorka Grealish kana dhigto Kane saxiixa ugu qaalisan.

Xiddiga ugu goolasha badan Tottenham oo dhaliyay 270 gool 63 kalena caawiye noqday 424 kulan oo uu ciyaaray.