Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Barcelona.

0
108

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Barcelona ee Marcos Alonso, sida ay wararku sheegayaan.

Red Devils ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato daafac Bidix kadib dhaawacii soo gaadhay Luke shaw kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo bilo ah.

Sida laga soo xigtay Wargayska Sport, kooxda Man United ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga Marcus Alonso.

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddiga 32 jirka ah iyaga oo la soo saxiixanaya xiddiga Man City ee Joao Cancelo.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United dalab amaah ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Alonso si ay ugu xoojiso kooxda.

Wargayska Marca ayaa dhinaciisa sheegaya in ay kooxda Man United heshiis 2 sano ah oo uu ku joogayo kooxda.